Ardayda Kulliyadda Culuumta Caafimaadka gaar ahaan Waaxda Sheybaarka oo ay lasocdaan dhakhaatiirta Jaamacadda SIU qeybo ka mid ah ayaa gargaar caafimaad oo isugu jira baaritaan iyo daaweyn u sameysay dad barakacayaal ah oo kusugan xeryo kuyaalla duleedka magaalada Muqdisho oo aan awoodin in ay helaan daryeel caafimaad.

