Jaamacadda SIU ayaa maanta kaalmo isugu jirta dhar iyo agabka kale ee Ciidda gaarsiisay carruur isugu jirta agoon iyo danyar oo aan awoodin in ay asaaggood la ciidaan.
Maaddaama lagu jiro maalmihi ugu dambeeyay ee bisha Ramadaan dadkuna ay isu diyaarinayaan Farxadda Ciidda ayey ardaydani garwaaqsadeen in ay ka farxiyaan carruurta Soomaaliyeed ee aanay qoysaskoodu u awoodin dharka ciidda.



