𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐫𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐥𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫𝐭𝐚.

Munaasabad uusoo agaasimay Midowga Ardayda Jaamacadda SIU, ayna taabbaggelineysay Mu’asasada Kheyriga ah ee Jaamacadda SIU (SIU Foundation) ayaa caawa ka qabsoontay magaalada Muqdisho. Munaasabaddan oo lagu abaalmarinayay ardaydii kaalmaha hore ka gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka iyo sidoo kale guddiyadii kasoo shaqeeyay shaqooyinkan uu qabtay Midowga Ardayda Jaamacadda SIU.

Waxaa dhowaanahanba socday dadaallo taakuleyn lagu gaarsiinayay dadka danyarta ah si loogu fududeeyo adeegyada ay u baahanyihiin bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana hawshan garwadeen ka ahayd xukuumadda ardayda oo kaashaneysa bahweynta Jaamacadda SIU.

Masuuliyiin kala duwan ayaa munaasabadda goobjoog ahaa oo uu ugu horreeyo Siihayaha Xafiiska Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye Kuxigeenka Waaxda Waxbarashada iyo Arrimaha Ardayda ustaad Liibaan Cali Xasan oo bogaadiyay shaqada wanaagsan ee xukuumadda ardaydu ay qabatay una mahadceliyay guddigii culumada ahaa ee u garsooray Tartanka Qur’aanka Kariimka iyo sidoo kale guddiyadii ardayda ee sida gaarka isaga xilsaaray u adeegidda bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *